Guddoomiye Yariisoow oo Kormeer Ku Tagay Qaar Kamid Ah Isgoosyada Muqdisho Iyo Deegaanka Darmooley “Sawirro”

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen: Bashiir Cabdi Maxamed, Sariil ka tirsan Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad Gobolka Banaadir ahna ku xigeenka xagga amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir ayaa xalay kormeer ku tagay qaar kamid ah Isgoosyada Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Goobaha ay kormeerka ku tageen Mas’uuliyiintan waxaa ka mid ah Isgoosyada Black Sea,Baar-ubax ,Cali Kamiin ,Ex kontarool Balcad, Saldhigga Degmada Hiliwaa,Suuqa Xoolaha iyo sidoo kale deegaanka Darmooley oo ah kontaroolka laga soo galo Magaalada Muqdisho ee dhanka Degmada Balcad.

Ujeedka kormeerka oo ahaa u kuurgalidda arrimaha Amniga iyo sidoo kale wada shaqeynta ka dhaxeysa laamaha amniga iyo bulshada ayaa masuuliyiinta iyo saraakiisha waxey socod dheer ah ku mareen qaar kamid isgoosyada wadada Sodonka iyagoo ganacsatada iyo shacabka ku booriyay in ay kaalin ka qaatan hormarinta Bilicda Caasimada iyo Xasiloonideeda.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Gen: Bashiir Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kormeerkan uu qeyb ka yahay dhiirigalina askarta  amniga iyo xoojinta Nabad-galyada.

“Mudane Guddoomiye waxaa sharaf inoo ah in aad caawa nagu wehliso kormeerkaan hadda meesha aan taaganahay waa deegaanka darmooley waa meesha xamar looga baxo dhanka Balcad, mudane Goddoomiye waxay noo tahay dhiiri galin iyo yadidiilo kormeeradaan joogtada ah aad nagala qayb qaadanayso,taasi oo Ciidanka mooraalkooda kor u qaadeysa”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Boliiska.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay soo martay marxalado kala duwan oo adag haatanna ay ku jirto xilli wanaagsan oo u baahan in la sii xoojiyo horimarkeeda iyo xasiloonideeda.

“dhamaan goobihii aan soo marnay ha noqato suuqa Bakaaraha, Cali kamiin Jamhuuriya,suuqa xoolaha  iyo dhamaan isgoyska Warshadda Baastada, waxaan ku soo aragnay Ciidan heegan ah oo diyaar u ah in Amniga ay sugaan ,waxaa kale oo aan soo aragnay shacab diyaar u ah in Ciidamada ay la shaqeeyaan, arimahaa soo oo dhan waa arimo yididiilo iyo dhiira-galin nasiinaya.”ayuu yiri Guddoomiye Yariisoow.

Dhanka kale Guddoomiye Yariisoow ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir si loogu guulaysto xaqiijinta Amniga Caasimmadda, taasi oo dan u ah muwaadin kasta oo Soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here