Madaxweynaha mamulka Puntland Ayaa Waxa uu Kala Diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01 March 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu ku saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Xeer Madaxweyne Lr. 31March 01, 2018, kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
Madaxweynaha mamulka Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dawlad gobaleedka Puntland.
Markuu tixgaliyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.
Marky caddaatay: inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday kana bixi waayeen is-Qabqabsi .
Wuxuu xeeriyey.
- Waxaa la Kala diray Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=

