Ciidama dowladda oo Howlgalo ka Wada Deegaano katirsan Gobalka Gedo

0

Taliyaha Ururka 49-aad iyo Guutada 10-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee degmada Baardheere Faarax Maxamed Turbac oo la hadlay Warbahinta ayaa ka warbixiyay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab oo ciidamada dowladda  ay ka wadaan deegaano katirsan ee Gobolka Gedo.

Taliyaha Ururka 49-aad iyo Guutada 10-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Faarax Maxamed Turbac ee degmada Baardheere ayaa sheegay in howlgaladaasi Ciidamada dowladda ay ka gaareen guulo wax ku nool ah,islamarkaana khasaaro lagu gaarsiiyay dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay howlgal ka fuliyeen deegaanka Faafax dhuun,islamarkaana Al-Shabaab halkaasi khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamo katirsan Al-shabaab.

“Runtii Howlgaladaasi guulo badan oo la taaban karo ayaa laga soo hoyiyay,khasaaro weyn oo baaxad lehna waa loogu geystay Al-Shabaab, wuxuu howlgal kan ka fulay aaga meesha la yiraahdo Faafaxdhuun khasaaro weyn ayaa cadowga loogu geystay ilaa iyo 25- dagaalyahan ayaa looga dilay saddex gaarina waa looga gubay,qalab iyo hub fara badana waa laga soo furtay,meydkoodana waxaa la keenay faafaxdhuun  dadka shacabka ah ayaa aasaymarkii danbe”.ayuu yiri Taliye Faarax Maxamed Turbac.

Deegaanka fax faxdhuun ayaa mudooyinkii danbe waxaa ka taagnaa dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada militariga dowladda kenya iyo kuwa dagaalamayaasha dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here