War Deg Deg:-Toogasho Goordhaweyd Ka Dhacday Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa goordhaweyd askari ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya waxa ay ku dileen Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan.

Ragg hubeysan ayaa la sheegay in qeybaha sare ee jirka ay ka toogteen askariga,islamarkaana ay goobta isaga baxasadeen.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in mar qur ah ay maqleen rasaas, islamarkaana ay arkeyn askari ka tirsanaa Dowladda Soomaliya oo sii dhacaya.

Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana goobta gaaray Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya oo goobta ka sameeyay baaritaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here