Wada-hadal u Dhaxeeya Dowladda Ethopia iyo ONLF oo Ka Furmay Kenya

0

Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya Waxaa ka furmay wada-hadal u dhexeeya Dowladda Ethopia iyo ONLF.

Wada-hadalka waxaa dhex-dhexaadinaya xubno caan ka ah siyaasadda dalka Kenya oo ay kamid yihiin Senetarka Garissa Yuusuf Xaaji , Barasaabka Gaarisa Cali Bunow Qorane iyo xildhibaanka Kamkunji Yuusuf Xasan.

Dhinaca dowladda Itoobiya waxaa hogaaminaya Madaxweynaha Dowladd deegaanka Ethopia Cabdi Maxamuud Cumar, halka ONLF uu hogaaminayo Cabdiraxman Maadeey madaxda arrimaha Dibada ee ONLF.

Wada hadallo hore u dhacay oo dhex marey labada dhibac ayaa lagu guuldareystay kadib markii la isku mari waayay qodobada qaar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here