Ilhaan Omar oo kamid ah sharci dajiyayaasha dowladda hoose ee Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay mar ay ka qayb qaadanaysay barnaamijka “Upfront” ee ka baxa Tv’ga caalamiga ah ee Al-jazeera ayaa sheegtay in madaxwaynaha dowladda mareykanka Donald Trump uu yahay nin cunsuri ah oo inta badan ka hor yimaada fikradaha dadka islaamka ah qaasatan kuwa madow oo sida qaxooti ahaanta u tago gudaha dalkaasi Mareykanka.
Ilhan Omar oo dhinacyo fara badan ka hadashay ayaa mar la weediiyay in madaxwaynaha dowladda mareykanka Trump uu yahay madaxwayne dadka kala faquuqa waxa ay ku jawaabtay doodi kama taagno in uu yahay cunsuri.
Ilhaan ayaa si qaxooti ahaan ah ku tagtay dalka mareykanka ayadoona dadaal dheer u gashay sidii ay wax uga qaban lahayd dadka Soomaaliyeed ee sida qaxooti ahaanta u tagay gudaha dalkaasi mareykanka.
Waxa ay samaysay ilhan taariikh lama iloobaan ah kadib markii ay ku guulaysatay doorashooyinkii ka dhacay dalka mareykanka in ay kamid noqoto sharci dajiyaasha gobolka Minnesota, ayadoona noqotay gabadhii ugu horeysay oo afrikaan muslim ah oo kamid noqota sharci dajiyaasha dowladda mareykanka, waxaana xusid mudan in isku habeen la doortay madaxwaynaha haatan haya talada dalka mareykanka ee D.Trump.
Madaxwayne D.J.Trump ayaa ballan qaaday intii uu kugada jiray ololihiisii doorashooyinka madaxtinimo in uu wax ka qaban doono dadka islaamka iyo muhaajiriinta soo galo gudaha dalkaasi mareykanka, asagoona si gooni ah farta ugu goday dadka soomaaliyeed ee ku sugan magaalada miniyabulis ee gobolka minesota kuwaas oo ku sheegay in ay garabsiiyaan ururada islaamiga ah.

