Odayaal Ku Dhaw 10 Oo Laga Afduubtay Gobalka shabeelaha dhaxe

0

Wararka ka imaanaya gobalka shabeelaha dhaxe ayaa ku waramaya in deegaano katirsan gobalkaasi afduub loogu geystay odayaal dhaqameed ku dhaqnaa duleedka degmada balcad ee gobalkaasi.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Qalimoow ee gobalka shabeelaha dhaxe ayaa Idaacada Simba u sheegay in dabley hubeysan ay soo galeen tuulada qalimoow, halkaasina ay ka afduubteen ilaa iyo lex odayaal dhaqameed oo ku sugnaa tuulada oo dhacda duleedka balcad ee gobalka shabeelaha dhaxe.

Xiriiro kala duwan oo Idaacada Simba ay la sameysay maamulka iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee gobalka shabeelaha dhaxe, ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan weerarkaasi lagu qaaday degaanka qalimow, laguna afduubtay ilaa iyo 6-oday dhaqmeed kamid ahaa odayaasha gobalka shabeelaha dhaxe.

Wali majirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka afduubka ah ee lagula kacay lexda oday dhaqmeed, sido kale ilaa iminka majirto cid sheegti karta halka lala aaday odayaasha lagula kacay afduubkaasi.

Afduubkaan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan cutubyo katirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay halkaasi ku lahayeen, balse majirto ilaa iminka wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobalka shabeelaha dhaxe iyo Xarakada Al-shabaab ee ku aadan afduubka odayaasha.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here