Al-shabaab ayaa ku soo bandhigay degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe, odayaal da’ah oo ku tarmayay toogasha ama (shiishka) qoryaha daran dooriga u dhaca ee uu kamid yahay qoriga AK47.
Batrxad weyn oo ku taal degmada Jilib, ayna ku sugnaayeen mas’uuliyiin katirsan Al-shabab iyo boqolaal shacab ah oo maamulka shabaab ee degmadaasi, uu iskugu yeeray iney usoo daawasho tagaan tartanka dhax marayay odayaasha dhaqanka ee beelaha daga Jubbooyinka ee Al-shabaab tartansiinayeen.
Odayaasha sameynayay tartanka toogashada ayaa laga dheehan karay iney ahayeen kuwo soo qaatay tababaro kale, una soo bandhigayeen shacabka ku sugnaa Fagaaraha jilib, wax yaabihii ay soo barteen.
Al-shabaab ayaa inta badan tababaro siiya dhalinyara iyo duqeyda ku dhaqan goobaha ay maamulaan, si ay ugula qeyb qaataan dagaalka ay kula jiraan Dowlada somaaliya &Askarta midowga Afrika ee Amisom.







