Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Ka Furmay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

0

Shirka Golaha Amniga qarnka ayaa goordhaweyd waxa uu ka furmay xarunta madaxtooydda  Villa Soomaliya.

Shirkaan waxaa furey madaxweynaha Soomaliya maxamed C/laahi Maxamed, waxaana sidoo kale ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa waxyaabaha ka qabsoomay shirkii ugu dambeeyay ee dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada iyada oo shirkii ugu dambeeyay waxyaabaha ka soo baxay ay ka mid ahaayeen isku dhafka Ciidanka,sugidda amniga dalka,wadaagga Kheyraadka iyo qaabka doorasho qof iyo cod ah uga dhaceyso Sanadka 2020-ka.

Muddo laba cisho ah ayuu shirkaan socon doonaa, waxaana laga soo saari doonaa War-murtiyeed gaba-gabadiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here