Daawo Sawirada:- Beledweyne Oo Lagu Soo Bandhigay Meydka Nin Ay ku Qaraxday Miino Uu Aasayay

0

Wararka sakay ka imaanaya gobalka hiiraan ayaa ku waramaya in halkaasi ay miino kula qaraxday ruux dhalinyaro ahaa oo aasayay miinadaasi dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laa hago.

Sawiro lagu baahiyay baraha bulshada ay ku kulanto ayaa muujinayay wiil dhalinyaro ahaa oo dul yaal qarax iyo sido kale Romote-kii laga hagi lahaa miinadaasi, isgana uu ahaa mid meyd ah oo garab yaal agabkii ka haray miinada oo lagu aasayay wadada isku xirta garoonka Ugaas khaalif iyo magaalada.

Warbaahinta gobalka hiiraan ayaa sakay waxaa isugu wacay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan, waxuuna usoo bandhigay wiilkaasi dhalinyarada ahaa oo ay miinada la qaraxday. Waxaa sido kale goob joog ka ahaa goobta lagu soo bandhigayay wiilka iyo agabkii ka haray qaraxa , abaandulaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Col Isaaq shaanbi, Taliyaha ciidamada nabad sugida ee gobolkaasi C/qaadir Maxamuud dhagaweyne, iyo  saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka hiiraan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa sheegay in ninkan u doonayay inuu qaraxan ku dhibaateeyo shacabka , balse isaga uu ku dhintay islamarkana  shacabka ku nool magaalada Baladweyne ugu baaqay  inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si looga hortago falalka  qaraxyada Al-shabaab.

Soo bandhigista wiilkaan la sheegay inuu ku howlanaa aasida qaraxa ayaa ku soo aadaya, xili xalay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka hiiraan, lagu dilay Gudoomiyihii hore ee Dagmada Bullo burte Cabdi iidoow Sabriye oo dabley bistoolado ku hubeysnaa ay ku dileen Magaalada Beledweyne.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here