Taliyihii Ciidamada Amisom oo Xilkii Laga Qaaday Iyo General Cusub Oo Loo Magacaabay

0
General. Jim Besigye Owoyesigire Taliyaha cusub, dhaxda Gudoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Howlgalka Amisom Francisco Madiera, geeska Taliyihii Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom General Cusmaan Nuur Subagle

General Cusmaan Nuur Subagle oo ahaa Taliyihii Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom ayaa xilka ku wareejiyay Gen. Jim Besigye Owoyesigire oo noqonaya Taliyaha cusub Ciidanka Amisom ee Soomaaliya.

xaflada xil wareejinta oo ka dhacday xarunta ugu weyn ciidamada midowga Afrika Amisom ee Muqdisho (Xalane) ayaa waxaa xilka ku kala wareegay General Subagle oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Jabuuti iyo Gen. Jim Besigye Owoyesigire oo u dhashay dowlada dalkaasi Uganda.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Howlgalka Amisom Ambasaddor Francisco Madiera, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Amisom iyo Saraakiil Dowladda soomaaliya iyo masuuliyiin katirsan midowga Yurub kowooda ku sugan gudaha soomaaliya.

Taliyihii Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay inuu aad uga shalaynayo isaga oo aanan Al-shabaab ka xureyn dalka inuu xilka wareejiyo, balse wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in ay shaqada sii wadi doonaan Taliska cusub ee hogaanka amisom la wareegay.

Gen. Jim Besigye Owoyesigire oo dhankiisa goobta ka hadlay ayaa sheegay in Subagle iyo Ciidanka Amisom ay soo qabteen shaqo adag, hadana uu rajeynayo in shaqada halkeeda uu ka sii wado, wuxuuna Midowga Afrika ka dalbaday in ay kordhiyaan taageerada Amisom.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here