Maamulka Galmudug oo Hub Ka Dhigis Ku Sameynaya Maleeshiyaadka Hubeysan 

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Maamul-Goboleedka Gal-Mudug Mahad Xasan Maxamed oo wareysi gaar siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Waxa uu faah-faahin dheraad ah uu Ka bixiyay Qorshe Hub ka dhigis ah oo ay Wasaarada Amniga Maamulka Gal-mudug ay muddoyinkii danbe Ka waday Magaalada Cabud-waaq Ee Gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in ciidamada Gal-mudug gabi ahaan lagu amray in ay sameeyaan Howlgalka Hubka dhigista oo maleeshiyaadka Aan maamulka ka tirsaneen Looga dhigayo Hubka .

Dhinaca kale Wasiirk u Xigeenka Wasaarada Amniga Maamul-Goboleedka Gal-Mudug ayaa tilmaamay in Howlgalkan hub ka dhigista ah ay wadaan ciidamada Dowlad Goboleedka Gal-mudug kaliye aysan Ku jirin ciidamada Maleeshiyaad ah oo gacan siinaya ciidamada Gal-mudug

Hadalka Wasiirku Xigeenka Wasaarada Amniga Gal-mudug ayaa Ku so beegmaya’iyadoo maalmihii danbe Magaalada Cabud-waaq ay ka dhacaayeen Dagaal u dhaxeeyo Maleeshiya Beleed,waxaana Wasaaradda ay sheegtay in arintan hub ka dhigista ay Ka taageereeyso Maamulka  sidii lagu xakameen lahaa Dagaal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here