Danjiraha Soomaaliya ee Switzerland oo ka warbixisay shirkii Davos

0

Shirkii dhaqaalaha adduunka oo lagu soo geba gebeeyey  magaalada Davos ee Dalka Switzerland  ayaa muhiimad gaar ah u lahaa Soomaaliya,iyadoo raiisul Wasaaraha Soomaaliya uu shirkaasi ku soo bandhigay hiigsida Dowladda oo ay ugu weyntahay in Soomaaliya ay ku soo notoqo saaxada Caalamka iyo in ay dib u soo celiso sumcadii ay ku lahayd Dunida.

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Switzerland  Faadumo C/llaahi oo u waramaysay  warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixisay waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkaasi ka soo baxay iyo ee quseya arrimaha Soomaaliya.

Marwo Faadumo C/llaahi ayaa sheegtay in madaxdii ka qeybgashay shirkaasi ay muujiyeen in ay diyaar u yihiin maalgashi ay ku sameysataan Soomaaliya,maadaama dalka uu yahay dal Qani ku ah dheyraadka kaladuwan,sida Xoolaha,Badda,iyo beeraha intuba.

“Shirka wuxuu ahaa mid muhiimada gaar ah u lahaa Soomaaliya,waxaan ku cadaynay in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay saaxadda Caalamka,ay na arkaan madadxad dowlado badan warbixinada ku saabsan xaaladda dalka,waxaan u sheegnay in aan u imaanin shirkaasi in aan kaalmo werydiisano,balse waxaan u sheegnay in aan diyaar u nahay in maalgashi iyo horumar laga sameeyo dalka”, ayay tiri Safiir Faadumo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo khudbad ka jeediyay shirkaasi ayayay sheegtay Danjire Faadumo C/laahi in uu ku soo bandhigay waxyabaah u qabsoomay Dowladda Soomaaliya iyo yoolka ay hiigsanayso,waxayna sheegtay in ay madaxdii caalamku ay ku qanceen warbixinta halkaasi uu ku soo bandhigay ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here