Rag hubeysan ayaa Bambo Gacmeed ku weeraray Ciidamo ka tirsan Nabad Sugida Soomaliya oo ku sugnaa Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay 5 ruux oo isugu jiro shacab iyo Askar ayaa ku dhaawacantay bambada.
Ciidamada ayaa markii lagu tuuray Bam gacmeed-ka ka dib furay rasaas ayadoona sidoo kale halkaasi ka sameeyay howgal mudo kooban socday.
Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Ciidamadda la wareeray aysan dad u qabanin weerarka islamarkaana xaaladda ay haatan tahay mid aad u dagan.

