Ciidamadda NISA oo Xirey Labo Mas’uul oo Ka Tirsan Xisbiga Wadajir.

0

Ciidamo ka tirsan kuwa hay’adda nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed ayaa xirey mas’uuliyiin ka Tirsan Xibsiga Wadajir.

Labada mas’ul ee la xirey ayaa kala ah  Kamaal Gutaale Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Kamaal Guutaale iyo Xoghayaha Xisbiga Mudane Sayid Cali Macalin Cabdulle iyo Sayidcali Macalin Cabdulle waxaana laga watay Hotelka Maka Al-mukarama ee Magaaladda muqdisho.

Ciidamada ayaa la sheegay in mas’uuliyiintaan ay ugu tageen hoteelka Maka Al-mukarama,islamarkaana ay halkaaas ka wateen.

Dhanka kale Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa xaqiijiyay xariga  Kamaal Gutaale iyo Sayidcali Macalin Cabdulle,wuxuuna ku tilmaamay mid sharcidaro ah.

Lama oga sababaha loo xiray,mas’uuliyiintaan ka tirsan Xibsiga Wadajir.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo wali kasoo baxay Dowladda Soomaliya oo loogu hadlaayo arintaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here