Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax miino oo sakay ka dhacay magaaladda muqdisho.
Qaraxan miino ayaa lala eegtay gaari raaxo ah oo ay saarnayeen ciidamo katirsan kuwa dowladda oo marayay inta inta u dhaxeysa Isgoyska Tarbuunka iyo Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.
Wali lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay qaraxa miino ee lala eegtay ciidamad dowladda soomaaliya, balse wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhaawacmay hal ruux oo marayay aagaasi.
Goobjoogayaal ayaa Idaacada Simba u sheegay inuu ahaa qaraxan mid xoogan lala eegtayna ciidamo katirsan dowladda oo marayay agagaarka Isgoyska taruunka ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Xiriiro Idaacada Simba ay la sameysay saraakiisha dowladda ayaa ka gabsaday iney ka hadlan qaraxa.
Wali majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa lala eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda soomaaliya.

