Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Magacyada Saraakiil Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

0

Faah faaho dheeri ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay maanta magaalada muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Tarbuunka iyo Isbitaal Digfeer ee gobalka banaadir.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa idaacada simba u sheegay inuu jiro khasaare soo gaaray askarta iyo saraakiishii saarneyd gaariga qaraxa lagula eegtay agagaarka isgoyska tarbuunka ee degmada hodan.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al-shabaab ayey ku sheegeen iney ka danbeyeen mas’uuliyada qarax miino oo askar iyo saraakiil katirsan dowladda lagula eegtay magaalada caasimada ah ee muqdisho.

“ Waxaa muqdisho ku dilnay Col. Cabdullaahi Yare oo katirsanaa saraakiisha Melleteriga dowladda Waxaana dhaawacyo culus  ku gaar siinay labo korneel oo kale oo lagu kala magacaabo Col.Faysal iyo Col, C/risaaq oo ka wada tirsan saraakiisha Milliteriga dowladda soomaaliya ee ku sugan Muqdisho ”

Wali wax ah kama soo bixin saraakiisha militariga dowladda oo ku aadan qaraxan ay Al-shabaab sheegeen iney ku dileen Cod. Cabdullaahi Yare kuna dhaawaceen labada korneel ee Faysal iyo C/Risaq, balse xiriiro Simba ay la sameysay saaakiisha militariga ayaa ka gaabsaday iney ka hadlan waxii dhacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here