Madaxweynaha Dowladda Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) ayaa tilmaamay in dowladdu ay kor u qaadeyso fursadaha waxbarashada lacag la’aanta ah ee ay ka faa’iideysan karaan ardayda danyarta ah balse looga baahanyahay shacabka in ay ka qeyb qaataan sidii dhalinyarada loogu abuuro lahaa jawi ku haboon Waxbarashada.
Madaxweynaha ayaa uga digay ardeyda iyo guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed ku dhaqanka qabyaaladda iyo in ay ku han-jabaan duruufaha ku xeeran noolashooda.
“Qarniga aan ku jirno ma ahan mid qabiil, ogsoonaada qof qabyaalad ku dhaqmaya ma ahan qof ilbaxnimo leh. Dhallinyaroow waxa jidka saaran waa mustaqbalkiinna. Idinka ayaa la rabaa hadii aad aragtaan magaalo u kala xiran hab qabyaaladeysan in aad diidaan.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

