Guddoomiyaha Cusub ee G/Banaadir Eng Yariisow oo La Kulmay Taabid+Sawirro

0

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa hoygiisa xalay ku booqday gudoomiyihii Hore  Taabid Cabdi Maxamed.

Xubno isugu jiray Wasiiro, Taliyeyaal Ciidan, ayaa ku wehlinayay  Eng. C/raxmaan Yariisow kulanka uu xalay la qaatay gudoomiyihi Hore  ee Gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa ahaa mid lagu soo afjarayay xiisada, isla markaana labada dhinac ay uga xaajoon lahaayeen ka bixida xilliga kala guurka ee uu galay Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa isku afgartay in munaasabadda xil wareejinta ay u dhacdo si habsami leh.

Xalay gudoomiyihi Hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay In uu aqbalay xil ka qaadistii uu ku sameeyay madaxweynaha Soomaliya farmaajo,wuxuuna shacabka muqdisho uu uu baaqay in ay Nabadda ka shaqeeyaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here