waxaa xalay magaalada muqdisho dil loogu geystay mid kamid ah dhalinyarada ku dhaqan magaalada caasimada ah ee muqdisho, kaa oo la garan layahay cida ka danbeysay dilka wiilkaasi dhalinyarada ahaa.
warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya qaabka uu u dhacay dilkaasi iyo cida ka danbeysay intaba, wararka qaar ayaa sheegaya in dilkaasi ay ka danbeeyeen dabley hubeysneyd, halka kuwa kale ay leeyhiin waxaa ka danbeeyay askarta dowlada gaar ahaa kuwa ku sugan saldhiga degmada wardhiigley ee M-muqdisho.
Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan degmada warta nabada ayaa Idaacada Simba u sheegay in wiilka la toogtay uu hore kaga tirsanaa xarakada Al-shabaab, balse markii danbe uu isaga baxay kamid ahanshaha Al-shabaab, waxaa sido kale ilaha lagu kalsoon yahay ay intaasi inoogu dareen in wiilka uu deganaa xaafadaha ku dhagan saldhiga degmada Warta nabada, ayna u badinayaan dilka wiilkaasi iney ka danbeeyan askarta dowladda ee ku sugan saldhiga, maadama aynan jirin cid kalo aga dil ka fulin karta.
Saraakiisha ciidamada Booliska ee d/ warta nabada oo aan la xirirnay ayaa ka jawaabin talefanadooda.
Dhanka kale majirto cid sheegatay masuuliyada dilkaasi, balse rerka dhalay wiilka ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan iney ogadaan cida ka danbeysay dilka loogeystay wiilkoooda dhalinyarada ahaa.

