Ciidamada Booliska oo Howlgal Ku Soo Qabtay Dhalinyaro Dhici Jirtay Shacabka+Sawirro

0

Howlgal ay ciidanka booliska ay ka sameyeen qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa lagu soo qabtay dhalinyaro ku hubeysan Bastoolado kuwaa oo dhac u geysan jiray dadka wata lacagta iyo Taleefanada.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka Booliska ay kuso qabteen ragan ayagoo ku howlan dhac ay u geysanayeen dad shacab ah.

General Qaasim Axmed Rooble Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa shacabka ku amaanay xiriirka ay la sameeyeen booliska,isagoo sheegay in waxyaabaha maanka dooriye ay qatar ku yihin hab dhaqanka iyo caafimaadka bulshada.

Isku xernaanta laamaha amaanka iyo shacabka ayaa door weyn ka qaata mar walba hormarada laga gaaro amniga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here