Al-shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Baay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Ciidamadda Ethopia oo saakay ka dhacay deegaanada Daynuunay iyo Goof-gaduud ee Gobolka Baay.

Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray deegaanka Daynuunay oo qiyaastii 25KM dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo,waxaana la xaqiijiyay in uu halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo mudo socday, dhinacyadii dagaalamay ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala gedisan.

Afhayeenka Maamulka koofur Galbeed Soomaliya Nuurdiin Yuusuf Gacmo oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa beeniyay in dagaalyahanadda Shabaab ay la wareegeen deegaanadda Daynuunay iyo goof-gaduud ee Gobolka Baay,islamarkaana halkaas ay ku sugan yihiin Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Koofur galbeed Soomaliya, sida hadalka uu u dhiggay Afhayeenka koofur Galbeed.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, hase ahaatee dadka deegaanka ee ku sugan deegaanada dhaca duleedka Baydhabo ayaa waxa ay sheegeen  inay maqlayeen hubka culus ee la isu adeegsanayay.

Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu qoray in Al-Shabaab la wareegeen deegaano dhaca duleedyada magaalada Baydhabo sida Daynuunay iyo Goof gaduud, sida Al-shabaab warka ay u dhigeen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here