Madaxa Ciidamada Mareynkanka ee Africa,ayaa codsaday in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo weerarkii bishii August ka dhacay deegaanka Bariire oo lagu layay dad shacab ah oo beeraley u badnaa.
Weerarka deegaanka Bariire lagu qaaday ayaa waxaa fuliyay Ciidamada Mareynkanka ee ku sugan Soomaaliyo kuwaa oo duqeyn iyo ciidamo dhulka ah iskugu daray werarka degaanka bariire ka dhacay.
Col. Marka Cheadle,oo ah Afhayeenka Ciidamada Mareynkanka ee Africa,ayaa shalay oo Arbaca ahayd sheegay in Gen. Thomas Waldhauser uu weydiistay Adeega Baarista Danbiyada Badda iney raadiyaan faah faahin dheeri ah oo ku saabsan weerarkii Ciidamo Soomaali oo kaashanaya Ciidamada fuliya howlgalada gaarka ah ee Mareynkanka ku qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Go’aankaan ayaa ku soo aadaya,xilli labo todobaad ka dib,war ay Ciidamada Mareynkanka ee Africa ay soo saareen ay ku beeniyeen in weerarkii Bariire lagu qaaday lagu dilay dad rayid ah oo ay ku jiraan Carruur, balse arintaasi ay muuqato mid ay saraakiisha howlada ee Africa isku fahmi la yihiin.
Mr. Cheadle,ayaa sheegay in Waldhauser uu codsaday arintaan markii uu arkay in dadka deegaanka Bariire ay ku adkeysanayaan in weerarkii 25-August lagu dilay dad shacab ah oo waliba u badan Beeraley.
Weerarkii Bariire ayaa lagu dilay 10-Qof oo u badan shacab ka dib weerar duqeymo iyo dhul deg ah oo ay fuliyeen Ciidamada gaarka Mareykanka kuwooda ka howlgala gudaha Somaaliya.
Maamulka madaxweyne Trump ayaa horaantii sanadkaan shaaciyay iney kordhinayaan weerarada Malitari ee ka dhan ah Al-Shabaabka Soomaaliya ka dagaalama ,waxaana weeraro badan oo dhanka ah cirka oo Mareynkanka ka fuliyay gudaha Soomaaliya lagu dilay Saraakiil muhiim u ahaa Al-Shabaab.

