Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo lagu weeraray Ciidamo katirsan dowlada Somaaliya gaar ahaan Ciidamada Booliska oo ku sugnaa Dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaaliya.
Qaraxaan ayaa la sheegay inuu geystay nin isku soo ekeesiiyay Ciidamada Booliska oo soo xirtay dharka Sportiga xiligaa oo ciidamada iyaguna ay ku jireen gaardi kuwaa oo loo carbinayay ka qeyb galka xuska aasaaska booliska Soomaaliyeed oo maalma kooban ay i naga xegaan.
Weerarkaan uu geystay ruuxa isoo Miidaamiyay ayaa geystay qasaara isugu jiro dhimasho iyo dhaawac wararka hor dhaca ee kasoo baxaya qasaaraha qaraxaasi uu geystay ayaa sheegaya dhimashadu iney gaareyso ku dhawaad 12 ruux oo u badan Ciimada Booliska ee halkaa gaardiga uu uga socday n iyadoo dhaawacuna ka badan yahay 17 ruux kale.
Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa sheegay in qaraxa saaka ay ku dhinteen saddex qof, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay ka mida taliyihii hore ee saldhigga ciidamada Xamarweyne ee M-Muqdisho
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayay ku sheegtay in qarax ay ku beegsatay ciidamo katirsan kuwa Boolis Somaaliya xilli ay safaf dhaadheer kujireen gudaha Xerada Jeneraal Kaahiye.
“Naftii hore naga mid ah ayaa ka danbeyay Qaraxan aynu la beegsanay Ciidamo katirsan kuwa Booliska xilli ay safaf kujireen gudaha xarunta Tababarka Booliska Iskool Boliisiyo waxaana halkaasi ku dilnay ku dhawaad 30 Askari oo saraakiil sarsare ay kamid yihiin” Sida Afayeenka dhanka Ciidamada u qaabilsan Xarakada Al-shabaab Abdiaziiz “abuu muscab” uu u sheegay wakaalada wararka Reuters.
Qarax uu isku soo xiray Is-miidaamiyaha ayaa waxaa lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa Booliska Somaaliyeed oo goobtaasi ku sugayey inay gudaha u galaan Dugsiga Booliska Jenaral Kaahiye oo ay ka socotay diyaar-garowga xuska maalinta asaaska ciidamada booliska oo maalmo kooban ay naga xigaan.

