Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi oo La dhaariyay + Sawirro

0

Madaxweynaha cusub ee ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta loo dhaariyay xilka Madaxweynenimo ee Somaliland.

Xafladda dhaarinta Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxman Saylici waxaa ka qayb gelaya wufuud ka kala timid dalalka jaarka ah ee Bariga Afrika.

Wafdi ka socda jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ah wafdiga ugu ballaadhan oo dhan 38 ruux, waxaana hogaaminaya wasiirka difaaca Cali Xasan Bahdoon.

Waxaa kaloo jira wafdi ka socda dalka Itoobiya oo uu hogaaminaayo madaxweyne ku xigeenka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdixakiim Cigaal Cumar, oo ay ku jiraan madax dhaqameedyo waaweyn oo uu ka mid yahay Ugaas Musdafe Maxamed Ibraahim oo ah ugaaska guud ee beesha Ciise.

Waxaa kaloo xafladda ka qayb gelaya shakhsiyaad Soomaaliyeed oo caan ah sida Bile Rafle guuleed oo sanadihii todobaatameeyadii badhasaab ka ahaan jiray gobolka togdheer iyo gobolkii woqooyi galbeed oo wax weyn ka qabtay naqashadeynta iyo jidadka magaalooyinka Hargeysa iyo burco, waxaa kale oo dadka magaca leh ka mid ah abwaanka wayn ee caanka ku ah xagga kitaarka Maxamuud Ismaaciil Xudeydi, labadooduba waxay ka yimaadeen Qaaradda Yurub.

Madaxweynaha cusub ee Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaya Madaxweynihii 5aad ee ay Somaliland yeelato, waxaa 13-kii bishii hore ee November loo doortay xilka, kaddib doorasho adag oo ka dhacday deegaanada Somaliland.

Somaliland ayaa sanadkii 1991-dii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, hase ahaatee wali ma aysan helin wax aqoonsi ah, balse waxaa lagu ammaanay in nabad, xasilooni siyaasadeed iyo dimoqraadiyad inay ka jirto deegaanada ay ka arrimiso.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here