Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo Ka Hadlay in ay Xiriir La Leeyihiin Al-shabaab

0

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha hoose, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal kasoo baxay Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Somaliya Jeneraal C/laahi Cali Caanood oo ku aadan in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobolka Shabellaha hoose Cali Nuure Maxamed  ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay mid meel ka dhac ah islamarkaana ay doonayaan in la cadeeyo cida xiriirka la leh Al-shaabab ee Maamulka kamid-ka ah.

Wuxuu sheegay hadii ay jiraan xubno uu arkay Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyaga oo Al-Shabaab la xiriiriya inuu soo gudbiyo, balse aaney aheyn inuu Warbaahinta ka sheego.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobolka Shabellaha hoose  Gobolka inuusan ka socon dhaqdhaqaaq ciidan oo ciidamada Xoogga dalka Somaliya ay ku wajahayaan deeganada Shabaabka ay ka joogaan Gobolka.

Shalay Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Somaliya Jeneraal C/laahi Cali Caanood ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose  ee Dowladda Soomaliya ay xiriir la leeyihiin Xarakadda Al-shabaab,islamarkaana ay u gudbiyaan xogaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here