War Deg Deg:-Dagaal u Dhaxeeya Ciidamo Kawada Tirsan Dowlada oo Ka Socda Muqdisho

0

Wararka aynu ka heleyno degmada kaaraan ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in halkaasi ay is rasaaseyn ku dhax mareyso Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowlada Somaaliya.

Ilo dadka deegaanka oo Idaacada Simba la hadlay ayaa xaqiijiyay iney maqlayaan rasaas culus oo labada dhinac ay is dhaafsanayaan, inkasto dadkaasi ay ka gaabsadeen iney ka hadlaan Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay is rasaaseyntaasi dhax mareysa Ciidamada ka wada tirsan Dowlada.

Dagaalkaan ayaa la sheegay inuu ka dhashay is qab qabsi la xiriiira arimo dhuleed, arintaasi oo sababtay in ciidamada halkaa ku dagaalamaan markii uu muran kooda xoogeystay kadib.

Wali lama cadeyn karo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay Israsaaseyntaasi, maadama wali ciidamada ay ku dagaalamayaan Xaafada Buula-maxaay ee degmada kaaraan ee Magaaladda Muqdisho.

Xiriiro Radio Simba ay la sameysay Maamulka degmada kaaraan ayaa ka jawaabin taleefanadii aynu kala xiriirnay balse qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada oo Simba la hadlay ayaa sheegay inuu jiro dagaalkaasi balse aysan wax faah faahin intaa ka badan bixin Karin dagaalkaasi.

Is-rasaaseyntaasi ayaa ah iminka wali mid Soconeysa.

Waxii kusoo kordha dagaalkaasi kala Soco www.Simbanews.com 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here