Diyaarad laga leeyahay dalka Sacuudi Arabia oo sida deeq Dawo ah ayaa saakay soo caga dhigatay Garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.
Diyaaradaan waxaa leh ciidamada cirka Boqortooyada Sacuudiga waxayna sidaa deeq dawo ah waxaana la socda koox ka tirsan xarunta Boqor Salmaan ee gargaarka arrimaha Bani’aadamnimo.
Sacuudiga ayaa dhowaan Muqdisho keenay laba diyaaradood oo gargaar dawo ah siday,kadib qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho labo bil ka hor.
9-kii bishaan waxaa Magaladda Muqdisho soo gaartay Diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo sida deeq Dawo ah .
Sacuudiga ayaa kamid noqday horaan dowladaha gargaarka soo gaarsiiyay Soomaliya,waxaana horey gar-gaar usoo gaarsiiyay Dowladaha ,Masar, Turkiga, Qadar,Imaaraadka,Kenya iyo kuwo kale
Dhawaan warbixin ay soo saareen Guddiga Gurmadka Qaran ee musiibadii October ayaa dhimashadii ugu dambeysay ee weerarkii 14kii October waxa ay ku sheegeen in ay gaartay 512 Qof.



