Sacuudiga oo safiirkii u fadhiyay Jarmalka dib ugu yeeray

0
Saudi foreign minister Adel al-Jubeir during a joint press conference with his Jordanian counterpart Nasser Judeh in Amman, on July 9, 2015, Al-Jubair in Jordan on a first visit since assuming his position as foreign minister Saudi Arabia. (AP Photo/Raad Adayleh)

Dowladda Sacuudiga ayaa dib ugu yeeraysa safiirkii u fadhiyay dalka Jarmalka taasi oo ay kaga cabanayaan hadal uu jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka.

Sigmar Gabriel ayaa muujiyay walaaciisa ku aadan xaaladda Lubnaan iyo musiibadda bina’aadanimo ee ka taagan yamen.

Balse wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Sigmar Gabriel oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay wada qabteen dhigiisa Lubnaan ma uusan carab baabin Sacuudiga.

Hasa yeeshee mr Sigmar ayaa sheegay in Lubnaan looga baahan yahay calaamad muujinaysa in dhaqdhaqaaqa Xariiri aan la xaddidin.

Bayaan uu soo saaray wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Al-Jubeir  oo lagu baahiyay wakaaladda wararka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in wararka sheegaya in mr Xariiri dhaqdhaqaaqiisa la xaddiday ay yihiin warar been abur ah.

Dowladda Sacuudiga ayaa sidoo kale qoraal cabasho ah u gudbin doonta safiirka Jarmalka u fadhiya Riyadh.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here