Waxaa goordhaweyd ka furmay Magaaladda Muqdisho kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaliya.
Kulanka Baarlamaanka ayaa maanta lagu wadaa in ay war-bixin dhamaystirsan ku soo bandhigaan Guddigii loo xil saaray kiiska Jen. C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ah Sarkaal ka tirsan Jamhada ONLF ee dhulka Soomaali galbeed oo Dowladda Soomaaliya ay u gacan galisay Itoobiya.
Kulankaan oo uu shir gudoominayo Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) ayaa waxaa ka qeyb galaya 156 xildhibaan oo ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.
Kulanka intuu socdo ayaa warbixin loogu dhageysan doonaa Guddigii loo xil saaray kiiska Jen. C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ah Sarkaal ka tirsan Jamhada ONLF ee dhulka Soomaali galbeed oo Dowladda Soomaaliya ay u gacan galisay Itoobiya.

