Ergooyinka midowga Africa iyo qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxa ay bilaabeen qiimeynta Amaanka dalka xilli howlgalka midowga Africa sSoomaaliya ee AMISOM lagu wado in dalka ay isaga baxaan sanadka 2018-ka
Xoghayaha gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Michael Keating iyo u qaabilsanaha soomaaliya ee midowga Africa Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa si faahfaahsan waxa ay kaga warbixiyeen socdaal ay ku tageen magaalada baraawe ee Gobalka shabeelaha Hoose oo ah magaalada strategic ah..
Hadal ka soobaxay midowga Africa ayaa lagu yiri “ booqashadan ayaa dhacday kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen deegaano dhaca shabeelaha hoose walina ay socdaan howlgallada anagoo qiimeyn ku wadna sida nabad galyadu tahay”
Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay AMISOM in ay awood toos ah u leedahay in ay deegaanadaasi ka howlgalaan iyagaa teegaaro siinaya ciidamada dowladda waxaana ay ku baaqeen in soomaalida laf ahaanteedu loogu baahan yahay in dagaalkaasi ay isku caawiyaan si Xarakada Al-shabaab loogu guuleesto.
Waxaa dhanka kale xoghayaha Soomaaliya u qabislan qaramada midoobay Michel keating uu sheegay in awood dheeraad ah lasiiyo ciidamada dowloadda Federaalka si ay suurta gal ugu noqoto in mas’uuliyadda amaanka dalka ay gacanta ku dhigaan.
Waxaa keating uu intaasi ku daray booqashadii baraawe oo ergooyin kala duwan ay kamid ahaayeen in qiimeyn lagu sameenayay deeganada Xarakada Al-shabaab lagala wareegay iyo sida ciidamada dowladdu ay u howlgalaan.
31 December ayaa la qorsheynayaa in dalka ay isaga baxaan qeybta ugu horeysa ee ciidamada midowga Afrika AMISOM kuwaa oo tiradooda lagu sheegay ilaa 1,000 askar.

