Wasiirka Qorsheynta Magaalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta hortagay Golaha Aqalka sare ee dalka,Waxaana kulanka golaha aqalka sare shir guddoominayay Guddoomiye ku_xigenka 1 aad abshir maxamed (Abshir buqaari).
Ugu horeen Wasiir Jamaal Maxamed Xasan, ayaaa mudanayaasha ugu warbaxiyay qaab dhismeedka Wasaaradda iyo horumarada ay sameysay Wasaaradda, sidoo kale waxuuu sharaxaad ka siiyay mashaariicda hada ka socda gobolada dalka,iyo ahmiyada uu u leeyahay qorshaha dalkeena.
Dhanka kale Agaasimaha guud ee Agaasinka Qorsheynta C/qaadir Maxmaed Aadan ayaa Golaha Aqalka Sare sharaxaad ka siiyay tiirarka uu ka kooban yahay qorshaha Horumarinta Qaranka,islamarkaana dul istaagay tiir walbo ahmiyada uu u leeyahy Dalka.
Sharaxaadda ka dib ayaa qaar ka mid ah Sanatorada Aqalka Sare, ayaasu’aalo la xariria shaqada Wasaaradda iyo mashaariicada ka socda dalka, deeqaha lacagaha beesha caalamka ugu talagashay sida loo maamulo,si siman dalka malooga hirgaliyaa mahsaariicda, dowlad gobaleedyada muhiiimada gaarka ah ee ugu jira qorshaha Horumarintaqaranka maxay ku saleysan tahay,ayee waydiiyeen wasiirka Qorsheyntamaalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha XFS,Mudane jaamal Maxamed Xasan.
Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan wax uu soo dhaweyay su’aalaha aywaydiiyeen mudanayaasha,waxuuna aragti wanaagsan ka siiyay waydiimahooda ku aadan shaqooyinka socda iyo muhiimada Qaranka uu u leeyahay Qorshaha Horumarinta Qaranka,sidoo kale Wasiirku wuxuu Mudanayaasha ka codsaday in ay u wada istaagan sidii dalka khayraadkiisa loogafaa’iideysan lahaa.
Guddoomiye ku_xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed(Abshir Buqaari)ayaa bogaadiyay howlaha dalka ay u hayso WasaaraddaQorsheynta qaranka, isagoo u mahadceliyay sida wanaagsan ay xubnaha Aqalka sare ay ugu sharaxeen howlaha kala duwan ee dalka ka socda.

