Dagaal u Dhaxeeyay Ciidamada Itoopiya Iyo kuwa Al-shabaab oo Ka Dhacay Gobalka Bakool

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan kuwa dowlada itoopiya iyo kuwa xarakada aslahabaab oo ka dhacay  gudaha degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Goobjoogayaal ayaa ku warramaya in dagaal yahano katirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimo ay ku sugnayeen ciidamo katirsan kuwa maamulka kooufr galbeed iyo kuwa AMISOM gaar ahaan Ciidamada itoopiya ee ku sugan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Warar ka madax banan dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay ayaa sheegaya in khasaare kala duwan uu soo kala gaaray labadii dhinac ee halkaasi ku dagaalamay, maadaama dagaalka uu ahaa mid aad u culus.

Gudoomiye ku xegaanka degmada Xudur Aadan Cabdi Maxamed oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuusa jirin qasaare soo gaaray Ciidamada itoopiya, balse uu sheegay in Al-shabaaab rasaas kasoo tuur tureen Magalada Xudur Duleedkeeda, sida uu hadalka u dhigay Gudoomiye ku xegaanka degmada Xudur Aadan Cabdi Maxamed oo Radio Simba la hadlay.

Dhanka kale xarakada Al-Shabaab ayaa weerarka ka dib saldhiyada Ciidamada itoopiya waxaa ay kusoo tureen tiro madaafiic ah oo aan ilaa iminka aan la cadeen qasaaraha rasmiga ee ka dhashay duqeyntaaasi.

Al-shabaab ayaa sheegay weerarka iyo madaafiicda ay ku qadeen saldhigyada Ciidamada Itoopiya uu ka dhashay Qasaare xoogan oo soo gaaray Ciidamada weerarka ay ku qaadeen Dagaal-yahanadooda inkas too aysan sheegin cadadka qasaaraha soo gaaray Ciidamada Itoopiya ee weerarka la kulmay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here