Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducalle Xaaf, ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kasoo jeeda Galmudug, isagoo kala hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin Xoreynta deegaanada Alshabaab ay ku sugan yihiin.
Madaxweynaha, ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay ka go’an tahay in xor ay noqdaan deegaanada hadda gacanta ugu jiro Al-shabaab, waxaana bulshada Soomaaliyeed oo ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan dagaalka Al-shabaab.
Alshabaab, ayaa hadda ku sugan deegaano tiro yar oo ay kamid yihiin inta u dhaxeysa Galcad, Xarardheer iyo Ceel dheer oo kawada katirsan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.





