Dagaal ka dhacay Gobalka Shabeelada Dhaxe

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in deegaano hoos yimaada degmada Mahadaay ee Gobolkaas oo lagu magacaabo cali fool-dherre in uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Al-shabaab iyo kuwa Dowlada Soomaaliya oo garab ka helya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Dagaalka ayaa bilowday sida wararka aynu ka halayno kadib markii Ciidamada Xarakada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnayeen ciidamada Dowlada Iyo kuwa Midowga Afrika Amisom,waxaa halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka xoogiisa waxa uu sigaar ah kaga dhacay difaacyada Ciidamada Dowlada; waxaana la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud,iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Shabeelada dhexe.

xiriiro ay Idaacada Simba la sameysay dadka deegaank ayaa ka gaabsaday iney wax faah faahin ka bixiyaan khasaaraha soo kala gaaray Dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Xarakada Al-shabaab ayaa inta badan weerara ku qaada Saldhigyada Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya Ay ku leeyihiin Gobalka Shabeelaha Dhexe

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here