Shariif Xasan oo Furey Kalfadhigii Afaraad Ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed+Sawirro

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa uu Maanta dah furey Kalfadhigii Afaraad Ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Waxana ka soo qeygaley Xildhibaano gaaraya 50 –Xildhibaan.

Ugu Horeyn halkaasi waxaa Khudbad dhinacyo badan Taabaneysa ka Jeediyey Madxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Mudane Shariif xasan Sheekh Adan –

Madaxweynaha ayaa u tacsiyadeeyay qoysaskii dadka ku waayay  Qarixii ka dhacay isgoyska Soobe ee Magaaladda muqdisho,waxaana Madaxaweynaha sidoo kale xildhibaanada Kula dar daaramey In ay mar waliba ay Ka shaqeeyaan nabada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka codsaday xildhibaanada Baarlamanka maamulka koonfur Galbeed Soomaliya  in ay meel mariyaan qorshe Ciidamo loogu dhisaayo Degmo kasto oo ku taala Gobolka Shabeelaha hoose.

Abdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye waa Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed waxa uu  Sheegey in Kalfadhiga Afaraad fadhigiisa 2 -aad looga Hadli Doono ajanda ay soo Gudibiiyeen Xildhibaanda Kaasi oo ah Anshaxa Maamulka Koonfur Galbeed lana meel marindoono ayuu yiri si uu udhaqan galo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here