Saldhiga Turkiga ee Soomaaliya oo Saakay La Furayo

0

Waxaa Maanta oo  Sabti ah taariihdana ay ku beegan tahay 30/9/2017 lagu wadaa in Xariga Laga Jaro oo si rasmi ah loo furo Saldhiga Africa ugu weyn ee Turkiga ay Ka dhiseen Soomaaliya.

Waxaa Xafladda Furitaanka  dhanka Dowladda Turkiga Umatalaya Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Turkiga Iyo Saraakiil Kala duwan ee Ka socta dalka Turkiga oo Shaley Magaaladda Muqdishu Soo Gaarey

Dhanka kale Somaaliyana Waxaa U matalaya Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Jeneraal Cirfiid  iyo Saraakiisha Ciidamada ugu Sareysa dalka.

Saldhiga Milateri ee Turkiga ka dhistay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya, ayaa dhawaan loo dhameeyay  dhamaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa.

Saldhiga ayaa markii u horeysay lagu arkay gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Turkiga, waxaana gudaha xerada ammaankeeda sugaya Ciidamo Turkish ah oo dhowaan Muqdisho la keenay.

Dhismaha Xeradan Milateri ayaa ku taal dhanka xeebta, wadada aada Jazeera, waxaana magaalada Muqdisho ay u jirtaa illaa 3KM.

Dhismaha ayaa ka kooban dhowr qeybood, sida dhismayaal kala duwan oo ay seexanayaan askarta la tababaro, masaajid, guryaha saraakiisha iyo Ciidamada Turkiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here