C/wali Gaas oo Difaacay Heshiiska uu La Galay Shirkadda DP World

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas ayaa si weyn u difaacay heshiiska uu la galay shirkadda DP World ee laga leeyhay dalka Imaaraadka Carabta taas oo muddo 30 sano ah la wareegeysa Dekadda Bosaso .

Madaxweyne Gaas  ayaa sheegay in dekadda Bosaaso ee Gobolka Bari ay tahay dhaxalkii Dowladdii hore, muddo dheer aysan helin wax dayactir ah, ayna u qaab ekeyd dekad Kaluumeysi maadaama aysan lahayn dhamaan agabkii dekad u baahneyd, haddii aan hadda wax laga qabana xaaladeedu ay noqoneyso mid sii xumaata.

“350milyan oo dollar cidda Soomaaliya ku aamineysa in ay ku maalgashato yey tahay, waxaan aaminsanhaya waa nasiib u soo hoydey Puntland, waa nasiib u soo hoydey ummadda Soomaaliyeed, haddii laga faa’ideysan waayo  waa laga shaleyn doonaa.

Sidoo kale Madaxweyne C/wali Gaas ayaa sheegey in muddo 30 sano ah ay tahay wax aad u yar marka la eego dhaqaalaha shirkaddu ku maalgelineyso, ayna habboon tahay in Ilaah lagu mahadiyo.

Ugu dambeyntii Dr Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegay in aysan jirin guryo la duminaayo, iyo qorshe lagu duminaayo. ganacsato badan iyo dadka aqoonta u leh arrimaha dekadaha ayaa sheegaya in haddii dekadda Bosaso la hormarinaayo ay khasab tahay in la dumiyo dhulka ka hooseeya Dowladda Hoose ee Bosaso, haddii kale aysan noqoneyn dekad la ballaariyey oo la hormariyey.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here