Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Saylac ee Gobolka Awdal oo dhaca waqooyiga Soomaaliya ayaa ka soo Horjeestay ka ganacsiga Ciida iyo dhagaxaanta laga qodo Magaalo Xeebeeda Saylac islamarkaan Si Sharcidaro ah loogu Beec geeyo Wadanka Jabuuti oo Xaduud la Wadaaga Dagmadaasi.
Odayaasha Dhaqanka Dagmada Saylac ayaa Sheegay in Shaqsiyaad ka tirsan Maaamulka Dagmada iyo Madaxda Soomaaliland ay Ciida ku daad gureeyaan Gawaari waa weyn iyo Doonyo ka qaada Xeebaha dagmada kuwaasi oo Geeya Dalka Jabuuti wax ay Maamulka Soomaaliland ay ka Dalbadeen in Tilaabo Sharci ah ay ka Qaado Dadka ka Dhoofiya Ciida iyo Dhagxaanta.
Dagamada Saylac ee Waqooyi Bari Gobalka Awdal ayaa 120-KM oo kala u jirta Dalka Jabuuti oo dhanka Waqooyi Xaduudka kala Leh Soomaaliya Taasi oo fududeysay Ciida Casaanka ah ee Gobalka Awdal in loo daabulo Dalka Jabuuti.

