Xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Puntland oo goordhaweyd kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Wakiiladda maamulkaas ayaa kalsoonidii kala laabtay dhammaan Gollaha Xukuumadda Puntland.
47mudane ayaa codka kalsoonida kala laabtay Golaha Wasiirada Puntland 9xubnood ayaa ka aamusay 1mudane waa diiday kooramka oo ay fadhiyeen 57 xildhibaan
Golaha wakiiladda Puntland ayaa ku eedeeyay Xukuumadda puntland in ay ku fashilantay dhawr qodob sida bixinta dhaqaalaha Amniga lagu sugo,Daryeelka Ciidamada Maamulkaas iyo Qorshe la,aan ka jirta xaalada guud ee Amaanka.
Madaxweyne maamulka puntland Dr C/wali Maxamed Gaas waxaa uu haystaa 21cisho oo uu kusoo dhiso Gole Wasiiro oo cusub, sida uu qabo Dastuurku.

