Dowladda oo La Wareegaysa Furaha Telefoonka Dalka ee 252 iyo Aqoonsiga Intenerka

0

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgarsiinta Xukuumadda  Federaalka Somaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan  ayaa sheegtay inay ku dadaaleyso wasaaradiisa sidii ay gacanta dawlada ugu soo celin lahayd furaha telefoonka dalka ee 252 iyo aqoonsiga barta intenerka ee .so oo hadda ay maamulaan shirkado gaar loo leeyahay.

Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in wasaaradiisu geed dheer iyo mid gaaban u fuuleyso sidii hantida qaran dib loogu soo celin lahaa hantida dowladda.

“Sharciga dalka ayay ku caddahay in ay tahay hanti qaran, waana ku talajirnaa inaan gacanta dawlada ku soo celinno furaha telefoon ee dalka iyo furaha adeegga internetkaWaxaa jiraya xeerka isgaarsiinta oo nidaamin doona dhammaan hawlaha isgaarsiinta.” ayuu yiri wasiirka Wasaaradda Isgarsiinta iyo Boostada Xukuumadda  Federaalka Somaliya.

“Dawlada Soomaaliya ayaa masuul ka ah furayaasha qaran ee 252 iyo .so. Waana hanti qaranku leeyahay oo dadku u siman yihiin, Dowladda Soomaliya ma ogolaan doonto in shaqsiyaad gaar ah iska haystaan.” ayuu si cad u yiri wasiirka.

Sidoo kale Wasaaradda Isgarsiinta iyo Boostada Xukuumadda  Federaalka Somaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya in ay si deg deg u meel mariyaan Xeer isgaarsiinta dalka si Dowladda Soomaliya ay usoo celiso hantida qaran oo ay maamulaan shaqsiyaad gaar ah.

Adeegyada telefoonka iyo internetka ayaa haatan waxaa maamula shirkado gaar loo leeyahay, kuwaasoo gacanta ku dhigay kadib burburkii dawladii dhexe ee dalka sannadkii 1991-kii, dowladihii dalka soo maray ayaa ku guuldareystay in ay ay dib usoo celiyaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here