Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay qorsho isbedel loogu sameyn doono ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee (NISA).
Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Soomaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in la badali doono qaabka ay ku shaqeeyaan Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee (NISA).
Wuxuu Sheegay Wasiirka in Ciidamada NISA loo rogi doono ciidamo dhar cad ah, islamarkaana lagaguuri doono ciidamada labisan, taasi ay qeyb ka tahay howlaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ay ku doonayso dib usoo celinta maqaamka Sirdoonka Somalia, iyadoo la tixraacayo sida ay ku shaqeyn jirtay dowladii dhexe ee Somalia.
Sidoo kale waxa uu Sheegay Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Soomaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) in Ciidamadaas laga fogeyn doono Hubka qoryaha ah oo ay wataan, Gaadiidka dagaal iyo dharka ciidanka oo ay ku labisan yihiin.
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Soomaliya ayaa sheegay in ciidamada dhar cadka ee lagu daadin doono dhammaan magaalada Magaalada Muqdisho iyo Gobolada islmarkaana loo dhameystiri doono xuquuqda ay ku leeyihiin dowladda Federaalka Soomaliya.

