Korneel aadan Axmed Rufle oo kamid ah saraaakiisha Ciidamada Dowladda Soomaliya ee ku sugan Gobolka gedo ayaa ku eedeeyay Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howglka AMISOM ee Soomaliya in ay duqeymaha ay ka geysanayaan Gobolkaas aysan la beegsanin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, balse ay ku dilen shacab Soomaliyeed iyo xoolo.
Waxa uu sheegay in isbuucaan gudihiisa Diyaaradaha Dowladda Kenya ay beegsadeen goobo shacab Soomaliyeed ay ku sugnaayeen oo ku yaala Gobolka Gedo,islamarkaana qasaaraha augu badan la gaarsiyay shacabka, balse Kenya ay sheegtay in dishay dagaalyahano ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaaaB.
“Diyaarahada Dowladda Kenya waxa ay muddo 3-bari ah ay garacayaan deegaano ka tirsan gobolka Gedo oo ay leeyihiin waxaan ku beegsanaynaa Al-shabaab,, adeerow duqeymaha seddexda bari socda waxaa lagu laayay shacab Soomaliyeed, waxaa lagu laayay 30-geel oo shacab ay lahaayeen, dadkii deegaanada la duqeyno ku sugnaa wax qaxeen”, ayuu yiri Korneel aadan axmed Rufle oo kamid ah saraaakiisha Ciidamada Dowladda.
Ugu dambeyntii Korneel aadan axmed Rufle oo kamid ah saraaakiisha Ciidamada Dowladda Soomaliya ee ku sugan Gobolka gedo ayaa ka codsaday baarlamaanka Soomaliya in ay arintaas ka hadlaan, madaama Dowladda Kenya ay kordhisay duqeymaha ay ka geysato Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.

