Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Kuwa AMISOM oo marayay duleedka Waqooyi ee deegaanka Buurane oo 20km dhinaca Waqooyi ka xiga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Gaariga miinada la qaraxday oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa galbinayay booyad biyo u dhaaminaysay ciidamada AMISOM oo saldhig ku leh duleedka deegaanka Buurane duleedka degmada Mahadaay.
Lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa miinadan la kacday gaariga ay lahaayeen ciidamada AMISOM balse wararka aan ka heleyno deegaanka Buurane ayaa sheegaya in gaariga burbur xoog leh uu soo gaaray.
Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka gobolka Shabelaaha Dhexe ee la xiriira qaraxa miinada ah ee ka dhacay gelinkii dambe ee Shalay deegaanka Buurane, sidoo kale ma jiro cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa Miino.

