Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya kula kulmay dhigiisa dalkas James, waxayna kawada hadleen arrimaha duulista Hawada iyo sidii labada dal isaga kaashan lahaayeen.
Wasiir Oomaar ayaa Sheegay in dhigiisa dalka Kenya uu kala hadlay sidii loo soo celin lahaa duulimaayadii tooska ahaa ee diyaaradaha Dowladda Kenya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ilaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, islamarkaana Muddo 27-sano kadib lagu guuleystay in dib loo bilaabo duulimaadyadaasi.
Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in lakulanka Madaxda Wasaarada ay aheyd mid uu ku doonayo in looga faa’’ideysto qaabka ay u Shaqeyso Wasaarada dalkaasi kenya maadaama mudo dhowr Sano ah aan aheyn kuwo dowlad la’aan ah.
Duulimaadyadaan dib loosoo celinaayo ayaa qeyb ka ah heshiis ay dhawaan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya kuwada gaareen Madaxweynayaasha Soomaliya iyo Kenya Maxamed C/laahi Maxamed (farmaajo) iyo Uhuru Kenyata kaasi oo qeyb ka ahaa in dib loo celiyo duulimaayadda toos ahaa ee labada wadan.

