Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali(Gaas) ayaa maanta kulan deg-deg ahaa isugu yeeray Ganacsatada deegaanada Maamulkaas oo uu kala hadlayo arimaha Canshuuraha.
Kulankaan oo haatan ka socda Madaxtooyadda Maamulka Puntland ee Garoowe ayaa lagu waramayaa in diirada lagu saarayo sidii Ganactadda iyo Maamulka Puntland ay isku fahmi lahaayeen, madaama Madaxda Ganactsada ay diideen bixinta Canshuurta oo ay sheegeen in la kordhiyay xiligaan.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali(Gaas) oo shir Jaraaid ku qabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaas ayaa sheegay in waajib ay tahay bixinta Canshuurta, islamarkaana uu maamulkiisa ka warqabo shaqsiyaadka canshuurta diida oo Al-shabaab-na si aan baryo aheyn lacago u siiya.

