Wafdi isugu jira Odayaal,Waxgarad Xildhibaanno ka kala socda Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle iyo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo dhawaanahaan xiisado dagaal ay ka jireen.
Wafdigan ayaa u gaaray halkaa inay xal ka gaaraan xiisad u dhaxaysa Ciidamada Jabuuti ee qaybta ah AMISOM-ta ka howlgasha gobolka Hiiraan ee ku sugan Jalalaqsi iyo dadka degmadaasi ku nool.
Magaalada ayaa waxaa ka dhacay maanta kulan u dhexeeyey dhinacyadaasi oo ay wehlinayaan wafdiga maanta halkaa gaaray kaasi oo lagu doonayo in lagusoo afjaro xiisadda halkaa ka taagan.
Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya islamarkaana hogaaminayey wafdiga Maanta gaaray degmada Jalalaqsi ee G/Hiiraan ayaa u sheegay Idacadda Simba ee muqdisho in ujeedkoodu yahay xal ka gaaridda xiisadda u dhexeysa ciidanka Jabuuti iyo dadka degmada rajadooduna ay tahay in arintan lasoo afjaro xal kama dambeys ahna ay ka gaaraan
Dhawaan ayey ahayd markii dagaal u dhexeeya Ciidamada Jabuuti iyo dadka ku nool degmada Jalalaqsi uu ka dhacay degmadaasi,waxaana wixii waqtigaa ka dambeeyey siocday dadaallo lagu xallinayo xiisadda halkaa ka jirta.

