Dhaqaalaha La Siiyo Maamul Goboleedyada Dalka oo Kala Duwan

0

Xili wasaaradda maaliyadda Dowladda Soomaliya ay Horgeysay Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya Miisaaniyadda Dowladda ee Lixda Bilood ee soo socota ayaa waxaa soo baxay Muran iyo dood ka dhalatay  miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2017.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in qaladaad badan ay ka jiraan miisaaniyadda sanadkan, iyagoo farta ku goday meelaha qaladaadka ka jiro sida dhaqaale la siinayo maamul goboleedyada dalka

Ilo Lagu kalsoonan karo ayaa sheegay in maamul goboleedyada dalka ay dhaqaale fara badan ku helayaan miisaaniyada hor-taala Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, iyagoo u qoran lacago aanay isku mid aheyn.

Maamulka Puntland ayaa lacagta ugu badan ka heshay Dowladda federaalka Soomaliya, waxayna helaysaa  lacag dhan $4,675,000 (Afar milyan iyo todobo boqol iyo todobaatan iyo shan kun),Maamulka Jubbaland ayaa waxaa uu helayaa lacag dhan $2,695,000 (Labo milyan lix boqol iyo sagaashan iyo shankun),Maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa si isku mid ah iyana waxay u helayaan lacag gaareysa $1,475,000 (Hal milyan afar boqol iyo todobaatan iyo shan kun),Maamulka Hirshabeelle oo ah maamulkii ugu dambeeyay ee la dhiso ayaa noqday maamulka ugu lacagta yar, waxaana uu helayaa lacag dhan $700,000 (Todobo boqol oo kun), Maamulka Gobolka Banaadir oo ah xarunta dowladda Federaalka ayaa u qoran lacag dhan $7,000 000 (Todobo milyan oo dollar)

Dhanka kale Xildhibaan C/raxmaan Xaaji aadan Ibbi oo kamid ah Baarlamanka Soomaliya  ayaa sheegay in miisaaniyada ay qaladaad badan ka jirto, isagoo xusay in maamul goboleed deked leh oo dhaqaale fiican soo gala ay u qoran tahay lacago badan, halka maamul goboleed aan dekedo laheyn ay u qoran tahay lacago yar.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here