Dhismaha Saldhiga Milateri ee Turkiga ee Soomaliya oo Lasoo Gaba-gabeeyay

0

Dowladda turkey-ga ayaa Sheegtay in lasoo gaba-gabeeyay dhismaha Saldhiga Milateri ee Turkiga ka waday Soomaliya, gaar ahaan deegaanka  Jazeera ee duleedka Magaalada muqdisho.

Danjire Olgan Baker oo shalay wariyeyaasha kula hadlayay xarunta Safaaradda ee Muqdisho ayaa sheegay in bisha Agosto ee soo socoto ay Muqdisho imaan doonaan Saraakiisha Milateri ee saldhiggaas tababarka ku siin laheyd Ciidamada Soomaalida.

Waxaa uu sheegay Danjire Olgan Baker  in bisha September ee soo socota la furi doono Saldhigga, iyadoo lagu wado in kumanaan askar Soomaali ah tababar lagu siiyo bilaha soo socda.

Dowladda Turkga ayaa dhowaan balan qaaday inuu ka qeyb qaadanayo dhismaha ciidamada qalabka sida ee  Dowladda Soomaaliya, si ay ula wareegeen Saldhigyadda ay ka baxayaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhanka kale Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sanadkii hore mar uu u yimid magaalada Muqdisho furitaanka safaaradooda ayaa sheegay inuu furi doono saldhig milateri oo ay ka dhisanayaan Muqdisho.

.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here