Dowladda Soomaliya oo Sheegtay in La Qabtay Markabkii Jaray Internet-ka

0

Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa gacanta ku dhigtay markab ganacsi  oo laga lahaa dalka Cumaan oo ay dusha ka saartay mas’uuliyada qasaarihii kasoo gaaray fiilada Fiber-obtica xawaarahiidu sareeyay taa oo hoos marta meel u dhaw biyaha Dakada magaalada Mogadishu iyadoo fiiladaasi go’day  ay sababtay in dalka 20 maalin  aan laga isticmalin  bartamaha iyo koofurta soomaaliya qadkii ay bixin jirtay shirakada Dalkom.

Dhacdadaan ay sababtay  fiiladan go’aday ayaa saameeyn ku yeelatay dhaqaalaha gudaha dalka markii markabkan ganacsi ee laga leeyahay dalka Cumaan oo ku soo dhaawaday Dekada magaalada Mogadishu si uu u dajiyo badeecadii uu wada uu ku jiiray fiiladii hoos mareysa biyaha ee internet-ka.

Dowlada Federal-ka Soomaaliya oo kalsooni ku qabta in fiilada Cable-ka iyo qadka in dib loo habeeyo tudobaadkan gudahiisa ayaa sheegtay in lacago magdhaw ah ay ka qaadeeyso shirkada leh markabkan ganacsi.

Dowlada ayaa koox qabiiryahano ah u magacaabeesa si ay qiimeeyaan qasaaraha  dhaqaaale ee ka dhashay maqnaashaha qadka iyo si wadahadal loola galo shirkada Cumaan ee leh markabka jiiray fiilada intenet-ka.

Iyadoo ay xusid mudan tahay in shirkadaha,hay’adaha,xafiisyada dowlada iyo xarumha qaaska loo leeyahay sida warbaahinta iyo goobaha laga jarto Ticket-yada ay saameyn xoogan ku yeelatay shaqada maalin laha ah ay qabtaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here